Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan horay u sheegnay dowladaha Somalia iyo Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa isku afgartay iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka arga-gixisada, burcad badeedda, kobcinta dhaqaalaha, arrimo la xiriira ganacsiga, socdaalka iyo in Imaaraadku uu gacan ka geysto in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay.
Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka waxay isla qireen in ay Madaxbannaanida iyo Midnimada Somalia tahay muqaddas oo muhiim u ah amniga iyo iskaashiga labada dhinac.
Wadahadalka labada dhinac ayaa waxaa ka hadlay Ambassador Cabdi Xaaji Dhaban Cade oo horey safiir uga soo noqday wadamada Pakistan, Hindiya iyo wadama kale oo ka tirsan Carabta.
Cabdi Xaaji, ayaa guul ku tilmaamay heshiisyada ay wada gaaren dowladaha Somalia iyo Imaaraatka Carabta.
Waxa uu xusay in dowlda Somalia ay wax weyn ka tari doonto heshiiskan isugu jira dhinacyada amniga wax barashada, caafimaadka iyo hormarinta Kaabayaashii dhaqaale.
Waxa uu dowlada Imaaraadka Carabta ku amaanay wax qabadkii muuqday ee ay horey dalka Somalia uga geysteen, isagoo tusaale u soo qaatay in warshadaha waa weyn horey dalka Soomaaliya uga hirgaliyeen Imaaraadka Carabta.
Waxa uu intaa ku daray in 4 sano ee lasoo dhaafay ay dowlada Imaaraadka howlo badan ka fulisay gudaha iyo Goboladaha dalka, waxa uuna tilmaamay in Heshiiska labada dal uu waxbadan ka bedeli doono xaalada Somalia.
Heshiiska ayuu sheegay in laga dhexli doono faa’iidooyin badan, waxa uuna tilmaamay in dowlada Imaaraadka ay garab u tahay inta badan dowladaha Africa.
Waxyaabaha laga faa’iido doono Heshiiska ayaa waxaa kamid ah Ciidamada tayo leh, Amni iyo Horumar iyo in Imaaraadku ka qeybqaato bilicda magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, waxaa kamid ah faa’iidooyinka ku jira Heshiiska in meesha laga saaro awooda ay adeegsan jireen maamulada dalka oo iyagu Heshiisyo qarsoodi ah la gali jiray Imaaraadka.
Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa safarkiisii 4aad uga baxay dalka Imaaraadka, waxaana maalintii shalay la baahiyay in dalalka Somalia iyo Imaaraadka ay heshiis ka gaaren dhanka Khilaafka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

