Garowe (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu amar ku bixiyay in la xiro dhamaan shaqsiyaadkii taageeray ururka Al-saadicuuna Bil-xaq.
Kulanka oo ay ka qeyb galeen laamaha amaanka ayaa waxaa lagu amray in xabsiga la dhigo dhamaan shaqsiyaadkii taageeray ururkaasi ee ku sugan magaalada Garowe lana xiro xarumahii kala duwanaa ee laga taageeray.
Waxaa kulanka ka qeyb galay masuuliyiin ka socotay maamulka Gobolka Nugaal, maxkamadda ciidamada qalabka sida, taliska ciidamada la dagaalanka argagixisada iyo taliyayaasha qaybaha ee gobolka Nugaal.
Kulanka kadib ayaana waxaa amar buuxa la siiyay ciidamada kala duwan ee maamulka Puntland, iyadoo lagu wargeliyay inay xabsiga dhigaan shaqsiyaadka Puntland ka taageeray ururkaan cusub.
Ururka Cusub ayaa taageero kala duwan helay, balse wuxuu wajahayaa ka hor tagis ay sameynayaan culumada, maamulada iyo madaxda kala duwan ee dalka.
Dowladda Soomaaliya oo wali si faahfaahsan aan kaga hadal ururkaan ayaa haddana wasiirka warfaafinta oo wax laga weydiiyay arintaan, wuxuu sheegay in masuuliyiin loo xilsaaray inay arimahaasi soo baaraan.
Caasimada Online
Xafiiska Garowe
[email protected]

