Waa maxay farqiga u dhexeeya wasiirada Kheyre iyo wasiiradii CC?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho si toosa uga howl bilaabay Wasiirada Xukuumada Somalia ee uu Hogaaminaayo Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wasiirada Kheyre oo u badan dhalinyaro ayaa durba lagu dhaliilay inay ka caajis badan yihiin kuwii uu Hogaaminaayay Cumar C/rashiid ee Xukuumadii hore.

Qaar kamid ah Wasiirada Kheyre ayaa la sheegay in ilaa iyo hadda aysan gaarin Xafiisyadii ay ku shaqeyn lahaayen, waxaana lasoo warinayaa inay saldhigteen Hoteelada Muqdisho.

Wasiirada qaar ayaa la sheegay inaysan ahmiyad u arag inay ku dhex shaqeeyan Xafiisyada, waxa ayna tani muujineysaa in durba ay u saaxiib noqdeen caajis iyo xiiso shaqo.

Wasiirada Kheyre qaarkood ayaanba laheyn xafiisyo ay ku shaqeeyan maadaama Xarumaha Wasaaradaha ay ka yar yihiin cadadka Wasiirada ee la magacaabay.

Sidoo kale, Wasiiradii uu Hogaamin jiray Cumar C/rashiid ayaa inta badan ahaa kuwo ka dhex muuqan jiray warbaahinta qeybaheeda kala duwan, waxa ayna sidoo kale ahaayen kuwo ka dhaqdhaqaaq badan kuwa hadda.

Waxyaabaha lagu xasuusto Xukuumadii hore ayaa waxaa kamid ah dhexgalka Bulshada iyo inay bulshada kala hadlaan Saxaafada, maadaama aysan la kulmi karin.

Wasiirada cusub ayaa waxaa lagu boorinayaa inay ka tayo wanaagsanaadan kuwii hore maadaama ay ka da’ yar yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu wadaa in dhawaan ay Wasiirada cusub la imaadan howlkarnimo lagu muujinaayo howlaha Qaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com