25 C
Mogadishu
Thursday, July 10, 2025

Dhageyso; Cabdi Weli Gaas oo weeraray Turkiga iyo kaalmada uu siiyo Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay Warbaahinta ayaa dowladda Turkiga ku dhaliilay in Mashaariicda ay ugu tala gashay Soomaaliya ay ku bixiso Magaalada Muqdisho oo keliya.

C/Welli Gaas oo u muuqday in dowladda Turkiga uu u bidhaaminayo danaha uu ka leeyahay ayaa sheegay in loo baahan yahay in mashaariic kala duwan inay gaarsiiyo deegaanada maamulada dalka.

Wuxuu sheegay inuusan jirin mashruuc dowladda Turkiga ay si dhab ah kaga fulisay deegaanada maamulka Puntland, sida uu hadalka u dhigay C/Welli gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan haddii Turkiga uu mahsariic ka fulinayo deegaanada Puntland, balse aysan habooneyn in mashaariicda lagu koobo magaalada Muqdisho.

Dowladda Turkiga oo Soomaalida si weyn ay u barteen tan iyo 2011 ayaa waxaa ay Soomaaliya ka fulisay mashaaric kala duwan, waxaana safiirada Turkiga ay la kulmeen madaxda Puntland, iyagoo qaarkood tagay magaalada garowe.

Hoos ka dhageyso codka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News