Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa safar saacado qaatay ku tagay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Ujeedada Safarkaasi waxaa lagu sheegay inay aheyd u kuur galida xaaladaha abaareed ee ka jira deegaanada Koofur Galbeed, walow madaxweynaha uusan tagin deegaano kale oo Baydhabo ka baxsan.
Madaxweyne Farmaajo isaga oo ka hadlay ujeedada Safarkiisii Baydhabo wuxuu ku sheegay inay aheyd in horey shacabka Baydhabo ay u dalbadeen dowladdii Xasan Sheikh in isaga ra’iisul wasaare looga dhigo arintaasi oo soo jiidasho iyo xasuus ku noqotay.
Balse arimaha intaaba wey ka duwanaayeen oo waxaa jiro ujeedooyin kale oo bulshada iyo saxaafada laga qariyay oo ku qarsanaa safarka madaxweyne Farmaajo uu ku tagay magaalada Baydhabo.
Ilo Xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in safarka madaxweyne Farmaajo ee Baydhabo ay ku jirto ujeedo aheyd la kulan saraakiil Ethiopian ah oo dalbatay inuu kula Kulmo madaxweyne Farmaajo.
Ethiopia waxay horey Farmaajo kaga dalbatay inuu ku booqdo magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ama magaalada Bahar-daar, laakiin labada safarka wuu ka baaqday kadib cudur daar uu bixiyay.
Wararka safarkiisii Baydhabo la xiriira ayaa sheegay in kulanka saraakiisha uu ahaa mid la doonayay in la iskugu soo dhaweeyo Farmaajo iyo dowladda Ethiopia oo xiriirkooda uusan wanaagsaneyn, maadaama Ethiopia sida ay baratay sanadkaan aysan shaqsiyaad iyada ay wadato aan lagu soo darin dowladda, islamarkaana wax latashi ah aan lala sameyn.
Kulanka saraakiisha iyo madaxweyne Farmaajo wuxuu kusoo idlaaday isfahan waa, waxaana Farmaajo uu doonayay in saraakiisha iyo ciidamada Ethiopia amarkiisa la’aantii aysan waxay doonaan ka sameyn gudaha Soomaaliya.
Arimaha la isku qabtay waxaa kamid ahaa in saraakiisha Ethiopia ay isaga baxaan magaalooyinka qaar ama qabsan kuwo cusub iyada oo aysan la socon dowladda Soomaaliya iyo taliska AMISOM.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

