Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa Apr 9, 2017, socdaal ku gaaray magaalada Abu Dabia ee Xarunta dalka Imaaraadka Carabta halkaa oo uu ku qaabilay mas’uuliyiin dhowr ah oo uu kamid ahaa dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zaa’id Aala Nahyaan.
Madaxweynaha ayaa kulankiisii ugu horeeyay la qaatay Sheekh Maxamed Bin Zaa’id Aala Nahyaan 10-kii bishan, kaa oo ka dhacay hoyga lagu magacaabo al-Baxar.
Socdaalka Madaxweynaha oo ahaa mid uu uga jawaab celinaayo Casuumaad ay u fidisay Madaxtooyada Imaaraadka ayaa waxa uu qorshihiisa ahaa in dowlada Imaaraad uu ka dhaadhiciyo in Heshiiskii ay la galeen maamulka Somaliland ee lagu bixiyay Saldhiga Militery ee magaalada Berbera uu yahay mid khalad ah.
Mowqifka Madaxweynaha ayaa isbedelay kadib markii uu ilaa Seddex kulan la qaatay dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zaa’id Aala Nahyaan, iyadoo lagu qanciyay in Imaaraadka uu ku khaldamay Heshiiskaasi balse ay diyaar u yihiin bedel.
Dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zaa’id Aala Nahyaan, ayaa Madaxweyne Farmaajo ku qanciyay in Heshiiskaasi ay DFS ugu bedelayaan howlo guud oo si dhaqsi ah looga fulinaayo magaalada Muqdisho waxaana kamid ah:
1-In DFS laga saacidaayo dhismaha Garoomada dalka gaar ahaan kuwa ku yaalla Gobolada dalka.
2-Dayactirka iyo dhismaha Dekadaha Somalia gaar ahaan kuwa ku yaalla Gobolada dalka.
3-Xoojinta iyo garab istaaga Ciidamada dowlada Caasimada ilaa Gobol.
4-Dib usoo celinta bilicda magaalada Muqdisho oo aan wali gaarsiisneyn heerkii loogu tallo galay.
5-Imaaraadku oo gacan ka geysan doona in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay.
6-Ka qeybqaadashada arrimo la xiriira Ganacsiga iyo socdaalka.
7-Ka qeybqaadashada la dagaallanka arga-gixisada, burcad badeedda iyo kobcinta dhaqaalaha Somalia.
Dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zaa’id Aala Nahyaan, ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo u saxiixay in Dowlada Imaaraadka Carabta ay ka dhabeyn doonto dhammaan 7 qodob ee kor ku xusan, waxa uuna heshiiskaani marka dhinac kale loo eego faa’iidooyin dhowr ah ugu jiraa Somalia.
Sidoo kale, warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu dhankiisa ka ogolaaday in dowlada Imaaraadka ay sii wadato howlaheeda ku aadan dhismaha Saldhiga Berbera ee maamulka Somaliland.
Madaxweyne Farmaajo oo dhiiranaa inta uu ku guda jiray Safarkiisa magaalada Abu Dabai ayaa markii danbe ahaa mid u muuqday in loo laab qaboojiyay isla markaana lagu qanciyay xaalada dhabta ah ee ka jirta gayiga Somalia iyo sida ay Somalia ugu baahan tahay Imaaraadka Carabta.
Si kastaba ha ahaatee, Safarka Madaxweyne Farmaajo ee labada maalin ahaa ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid si dadban guul ugu ahaa Somalia maadaama ay heshay ballanqaadyo dhowr ah.