Xog: R/W Kheyre oo si aan sharciga waafaqsaneyn shaqada uga eryey shaqaale badan oo kuwa rayidka ah

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa seefta gasha kala baxay, wuxuuna shaqada ka eryey markii ugu horeysay shaqaale badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaas oo lasoo eedeeyey.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa booqday Wasaaradda Beeraha, wuxuuna amar deg deg ah ku bixiyey in shaqada laga eryo ilaa 12 shaqaale oo ka shaqeenayey wasaarada Beeraha oo kamid aheyd wasaaradihii uu shalay booqaday.

Sababta keentay inuu Ra’isulwasaaraha shaqada ka eryo 12 qof ayaa lagu sheegay kadib markii ay shaqadooda soo xaadiri waayeen muddo badan iyadoo aysan jirin wax cudur daar ah oo ay wasaaradda usoo gudbiyeen.

Shaqaalaha la eryey ayaan loo qorsheyn in la siiyo mushaaraadkii iyo xuquuqdii ay dowladda ku lahaayeen taasoo keentay in wasaaradda ay gasho xaalad muran sharciyeed ah oo ku saasab nqaabka loo maray shaqo ka eryidaan.

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa loo xil saaray  tirakoobka shaqaalaha dowladda ay ku dhex jirto diyaarinta warbxixin ku saabsan shaqaalaha dowladda oo la sheegay inay ku dhow yihiin 5000.

Wasaaradda ayaa dhawaan golaha wasiirada soo hordhigtay warbixin arrintaas ku saabsan inkastoo dib loogu celiyey lagana codsaday inay isbadal kusoo sameyso kana bixiso faahfaahin lagu qanci karo.

Ra’isulwasaaraha ayaa la sheegay inuu ku qaldoomay qaabka uu shaqada uga eryey, iyadoo loo baahnaa inuu xuquuqdaas shaqaalahaas siiyo kadibna uu shaqada ka ceeriyo, waxaana la sheegay inuu ku suxnaa tallaabada uu shaqaada uga erey 12 shaqaale, maadaama shaqaalaha dowladda ay caado ka dhigteen inay lacagta iska qaataan iyagoo aan wax shaqo ah u qaban shacabka iyo dowladda.

Sida sharciga qabo Ra’isulwasaaraha Kheyre awood buuxda ayu uu leeyahay inuu shaqada ka eryo shaqaalaha dowladda, balse sida la isku raacay qaabka uu hadda u maray waxay aheyd mid qaldan oo laga fiicnaa.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET