Sawirro: Maxaa looga hadlay shirka ka dhacay Muqdisho ee uu ka qeybgalay R/W Kheyre?

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uu ka socdo shirar kala duwan ayaa waxa mid kamid ah shirarkaasi goordhow ka qeybgalay Ra’isul wasaare Xasan Kheyre.

Shirkaani uu goordhow ka qeybgalay Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa looga hadlaayey dar dar galinta howlaha Xakuumadda Somalia.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlaayay diyaarinta qorsha Xukumadda ee wax qabadka 90-ka maaalmood.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada ayaa shirka ka sheegay in Xukuumadiisu ay leedahay qorsho fog oo lagu xakameyn doono Siyaasadda, Amniga iyo Dhaqaalaha.

Waxa uu kheyre sheegay in qorshahooda ugu weyn uu xiligani yahay sara qaadka dhinacyada kala ah Siyaasadda Arrimaha gudaha, dhaqalaha, waxbarashadda, Caafimadka iyo midnimadda siyaasadda Midaysan ee Caalamku Soomaaliya kula macaamilayso.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay in Xukuumadu ay la imaan doonto waxqabad isla markaana ay talaabo waliba usoo bandhigi doonaan shacabka.

Madasha uu shirka ka furmay ayaa waxaa lagu hardhay sawirro ka turjumaaya dhammaan qodobada looga doodaayay shirka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET