Uhuru Kenyatta oo Farmaajo u diray fariin uu ku beer la xawsanayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –ย Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in Dowladiisa ay muujineyso kalsoonida kala dhexeysa Dowlada Somalia.

Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in wada shaqeyn dhow ay yeelan doonaan Dowladaha Kenya iyo Somalia, waxa uuna tilmaamay inuu rajeynaayo in mar kale uu soo laabto.

Waxa uu tilmaamay haddii uu soo laabto inuu ka shaqeyn doono wada shaqeyn muuqata oo dhexmarta Keny iyo Somalia, isla markaana uu burburin doono dhammaan sharciyada Kenya ee caqabada ku ah Muwaadiniinta Soomaalida ee ku dhaqan Somalia iyo Kenya.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dhigiisa dalka Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uusan kali ku aheen dagaalka lagula jiro xag jirnimada.

Uhuru Kenyatta oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa yiri ”Waxaan rabaa inaan u xaqiijiyo Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo in uu leeyahay qof saaxiib ah, waxaan jeclahay habka iyo mudnaanta uu siiyay dhanka amniga waxaana diyaar u ahay inaa taa kala shaqeeyo,”

Uhuru Kenyatta, ayaa hadalkaani sheegay xili uu Warbaahinta kula hadlay Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi halka oo lagu macsalaameeyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Gamal Mohamed Hassan.

Kenyatta waxa uu sidoo kale, sheegay inay ka go’an tahay in DFS uu ka saacido dhammaan waxyaabaha khuseeya Amniga, Siyaasadda, Horumarka iyo is dhexgalka labada dal.

Haddalka Madaxweyne Uhurro Kenyatta ayaa imaanaya xili dhawaan ay magaalada Nairobi kuwada hadleen Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NETย 

- Advertisement -

Read more

Local News