26.4 C
Mogadishu
Friday, August 22, 2025

Barre: Hirshabelle iyo Muqdisho walaalo kuma aha xuduuda yaan nala khaldiin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online)-Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ayaa ku baaqay in la kala fogeeyo xuduudaha kala beyra maamul Hirshabelle iyo Gobolka Banaadir.

Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in Hirshabelle ay dooneyso xuquuqda xuduuda ee ka maqan.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in sharci ahaan ay walaalo yihiin shacabka ku kala dhaqan Hirshabelle iyo Gobolka Banaadir, balse waxa uu soo jeediyay inaanu ka dhexen wax deegan ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka waxa uu tilmaamay in Hirshabelle ay dooneyso xuquuqda Xuduuda ee ka maqan, waxa uuna ku baaqay in DFS aysan iska indha tirin xaqiiqda xuduudaha.

Sidoo kale, Guddoomiyaha BMH waxa uu carab dhabay in reer Muqdisho iyo reer Hirshabeelle ay yihiin dad walaalo ah, balse maalmahan uu jiro khilaaf yar oo la xiriira xuduuda, labada dhinac.

Sheekh Barre Maxamed Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa Guddiga Madaxa Banaan ee xuduudaha Qaranka ka dalbaday in ay arrintan soo farageliyaan waxna ka qabtaan.

Dhinaca kale, waxa uu Guddoomiyaha ballanqaaday in arrinta xuduudaha ay gaarsiin doonaan heer baarlamaan waa haddii leyska indha tiro wixii jira.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

- Advertisement -

Read more

Local News