Madaxweyne Farmaajo oo soo saaray amar culus kadib dilka wasiir Siraaji

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa amar duldhigay Mas’uuliyiinta Hay’adaha amaanka Somalia ee gacanta ku haya kiiska dilk Wasiir Marxuum Cabaas Siraaji.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ku amray in gacan bira lagu qabto shaqsiyaadka u xiran falka toogasho ee Wasiir Siraaji.

Madaxweynaha waxa uu ku amray mas’uuliyiinta la wareegay kiiska dilka inaan la fududeysan kiiska, waxa uuna ku celcelshay in baaritaanka uusan noqon mid ku eg Askarta dilka Wasiirka geystay.

Madaxweynaha waxa uu qiray in Wasiir Marxuum Cabaas Siraaji uu aad uga duwanaa Wasiirada kale isla markaana uu ahaa mid ay fiirsan jireen shacabka Soomaaliyeed maadaama uu kamid ahaa Xildhibaanada ugu da’da yar BFS iyo Xukuumada.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu ballanqaaday in Cadaalad falka DFS uu noqon doono mid lagu ogaado kiiska dilka Cabaas Siraaji, waxa uuna cadeeyay in lagu kala bixi doono Sharciga.

Talaabadaani ayaa imaaneysa in dilka Cabaas Siraaji uu noqday mid ay ka qeyla dhaamiyeen dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxa ayna su’aal ka keeneen sababta keentay in Wasiirka looga shakiyo Villa Somalia horteeda.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET