Beesha Wacbuudhan oo Muqdisho ka furtay shirka raadinta xuquuqda gobolka Banaadir

Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka furmay shir loogu ololeynayo xuquuqda Gobolka Banaadir ka maqan, maadaama dalka uu qaatay Nidaamka Federalismka, laguna soo dhisay Maamul Goboleedyo.

Shirkan oo Arbacadii ka bilowday Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka qaybgalay Xildhibaano, Siyaasiyiin, Waxgarad, Odayaal Dhaqameedyo, Dhalinyaro iyo Haweenba, iyadoona uu hadafku yahay in la helo maqaamka Gobolka Banaadir.

Dhinacyadan, ayaa xusulduub ugu jira in Gobolka Banaadir loo dhiso maamul waafaqsan hannaanka Federalismka, si uu wax ula qaybsado gobolada kale ee dalka ka dhisan.

Gogoshan, ayaa waxaa dhigtay Beesha Wacbuudhan, Abgaal, lana gaarsiin doono dhammaanba beelaha degga Gobolka Banaadir. Odayaashii Dhaqanka ee ka qaybgalay shirkan, ayaa sheegay in gogoshani ay tahay mid lagu raadinayo danta Gobolka Banaadir, isla-markaana ay dhigeen dadkii gobolka u dhashay.

Nabadoonka guud ee beesha, Nabadoon Cali Cumar Maxamed. ayaa sheegay in dalka uu qaatay Federalism, laguna soo sameeyay Maamul Goboleedyo, sidaasi daraadeedna ay iyana ku khasban yihiin in ay ku deysadaan Maamul Goboleedyada la dhisay.

Xubnihii ka soo qaybgalay furitaanka gogoshan, ayaa waxaa ugu muhiimsanaa Senator Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaan Yusuf Kabaale, Xildhibaan C/qaadir Carabow, Ex Xildhibaan Cumar Finish, Ex Xildhibaan Xasan Macalin, Ex Xildhibaan Xuseen Caraale, Ex Gudoomiye Axmed Daaci, Wasiirka Duulista Hawada Hirshabelle, Gudoomiyaha bulshada rayidka Muxudiin Xasan Afrax iyo Siyaasiga Xasan Cabduqaadir Muudey.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET