Video + Documents: Villa Somalia oo gabar maskiin ah heshiis uga baxday qabyaalad darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasime ku xigeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqay tallaabo ceeb weyn usoo jiidi doonta dowladda uu hogaamiye madaxweyne Farmaajo, kadib markii uu si sharci-darro ah ku buriyey heshiis ay galeen madaxtooyada iyo shirkad ay leeyihiin shacab Soomaaliyeed.

Cabdirisaaq Axmed Maxamuud oo loo yaqaan Shoole, una dhashay beesha Leelkase ayaa qoray warqad uu ku sheegay in madaxtooyada joojisay heshiiska shirkadda Aaran Imran General Trading ay raashinka ku gayn jirtay madaxtooyada, isaga oo ku andacooday in heshiisku dhammaaday.

Shirkaddan ayaa waxaa leh gabar u dhalatay beesha Wacbuudhan Abgaal.

Si kastaba warqado ay soo bandhigtay shirkadda ayaa muujiyey in Cabdirisaaq uu ka been sheegay xaqiiqda heshiiska, islamarkaana heshiiska uu dhacayo sanadda 2018.

Heshiiskan oo markii hore shirkadda lala galay 2015, ayaa dhacay 2016, hase yeeshee waxaa dib loo cusbooneysiiyey sanaddii 2016 bishii Febraayo, sida ku cad warqadda heshiiska oo lasoo bandhigay.

Waxaa xusid mudan in la is-weydiiyo in marka hore agaasime ku xigeenka Villa Somalia uu go’aan noocan ah gaari karo, ayada oo uu joogo agaasimaha isaga ka sareeya.

Warar xog ogaal ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Cabdirisaaq uu tallaabadan sharci-darrada iyo ballan ka baxa ah u qaaday inuu heshiiska siiyey shirkad uu leeyahay nin la dhaho Yuusuf, oo ilmo-adeer la ah madaxweyne Farmaajo.

Tallaabadan ayaa astaan u ah in ayada oo dowladdan cusub ay jirto saddex bil kaliya ay durba u muuqato mid ka musuq maasuq badan dowladdii ka horeysay, kuna socoto waddo xigto iyo xigaalo ah.

Halkan hoose ka daawo caddeymaha ay soo bandhigtay shirkadda Aaran, iyo warqaddii sharci darrada ahayd ee heshiiska looga baxay.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET