26.2 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Muuqaal: Hanti-dhowrihii xilka laga qaaday oo u hanjabay Farmaajo iyo Kheyre

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Shalay xil wareejin lagu sameeyey Hanti dhowrihii qaranka oo ay horey xilka uga qaadeen Madaxweyne Farmaajo iyo Golaha wasiirada xilli uu isaga ka maqnaa xafiiska.

Haddaba hanti dhowrihii qaranka ee xilka laga qaaday Dr Nuur Faarax ayaa shaaca ka qaaday inuusan marnaba aqbali doonin xilka qaadistii lagu sameeyay xilli xafiiskii uu ku shaqeyn jiray uu la wareegay ku xigeenkiisii.

Warar la helay ayaa sheegaya in xoog lagu jabiyay xafiiskii uu ku shaqeyn jiray Hanti-dhowre Dr Nuur, waxaana isagoo maqan xilkaas lagu wareejiyay Dr Cali oo ahaa ku xigeenkiisii.

“Marnaba waxaas sharci maahan”ayuu yiri Hanti dhowraha oo isagoo ku sugan hoteel kuyaal magaaladda Muqdisho.

“Ma ogolaan doono wax waliba oo sharci daro ah oo xilka la iga qadaayo ayuu yiri hanti dhowraha waxaana oo soo hadal qaaday sifada looga qaaday xilkaas”ayuu yiri Dr Nuur Faarax.

“ Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha iyagaa dalka u sareeyo cawaaqib xumadii ka timaado arrintaan iyagaa qaadayo” ayuu sii raaciyey .

Hanti-dhowraha ayaa tilmaamay inuu wali hayo xilkaas uu hayo isla markaana uusan madaxweynaha ama Ra’isul wasaaraha xilkaas ka qaadi Karin.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaal Dr. Nuur Faarax uu arrintaan uga hadlay

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

- Advertisement -

Read more

Local News