25.5 C
Mogadishu
Saturday, November 1, 2025

“Waan dhaawacmay saaxiibadey aan sugayayne wey ku dhinteen weyna dhaawacmeen”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay qaraxii shalay ka dhacay maqaayada Italain Coffee ee magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimashada inka badan 10 ruux iyo dhaawac intaasi ka badan.

Qaraxaasi ayaa kala geeyay dad saaxiibo dhow  ahaa oo isla maalintaasi ku wada balansadaa goobta uu qaraxa ka dhacay, sida qaar kamid ah goobjoogayaasha ay la wadaageen warbaahinta.

Mid kamid ah dadka dhaawacyada ay kasoo gaareen qaraxii shalay ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen iyo dadkii saaxiibadii ahaa ee uu ku waayay qaraxii ka dhacay wadada maka al mukarama.

“Waxaan tagnay goobta markii uu  qaraxa dhacay ka hor muddo ayaan halkaasi ku sugneyn aniga iyo asxaabteyda qaar, waxaan sugeynay asxaab kale oo aan goobta kula balansaneyn, markii ay yimaadeen kadib ayuu qaraxa dhacay”.

“Aniga dhaawac ayaa isoo gaaray, mid naga mid ahaa wuu dhintay kuwo kalana dhaawac ayaan u malaynayaa, waxaan hadda ahay qof wanaagsan, balse qaraxaasi niyadeyda kama go’ayo”ayuu yiri goobjoogaha oo saxaafada la hadlay.

“Dadka markii qaraxa uu dhacay kadib wey kala carareen sababtoo ah wuxuu ahaa qaraxa mid xoogan oo jugtiisa ayaa dadka qalqal gelisay ayuu yiri.

Qaraxa ayaa dadka goobta joogay waxay sheegeen in looa deegsaday gaari qarax laga buuxiyay kaasi oo la dhigay goobta, waxaana ay sheegeen in gaariga uusan socon balse goobta lagu sii diyaariyay.

- Advertisement -

Read more

Local News