Darawalka Gaafoow oo Muqdisho ku dilay mid kamid ah kaaliyayaasha maxkamadda sare (Cadaaladda waa in loo sinaado)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Darawalka Taliyihii hore ee nabadsugidda qaranka Gaafoow ayaa Magaalada Muqdisho ku dilay mid kamid ah kaaliyayaashii  Maxkamadda sare ee Soomaaliya.

Kaaliyaha la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Mursal Cumar Cismaan, waxaana dilay darawalka Gaafoow oo ay isku guri daganaayeen.

Darawalka ayaa rasaas ku furay kaaliyaha oo ay isla daganaayeen guri ku yaal Degmada Waaberi, wuxuuna sidoo kala dhawaacay Haweeney guriga wax ka daganeyd.

Lama oga ilaa hadda sababta rasmiga ah ee keentay inuu Darawalka Gaafoow dilo mid kamid ah kaaliyayaashii Maxkamadda Sare oo deegaan ahaan kasoo jeedo Woqooyiga.

Darawaka ayaa ka baxsaday halka uu dilka ka geystay, ilaa hadda lama ogo halka uu jaan iyo cirib dhigay inkastoo ay wararka qaar sheegayaan in lagu raad joogo ninkaas, isla markaasna laga ilaalinayo inuu ka baxo Magaalada dhexdeeda, haddana ma jirto cid ka tirsan dowladda oo ilaa hadda ka hadashay dilka loo geystay Kaaliyahaan.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay inuu meydkiisa yaalo Isbidaalka hooyada iyo Dhallaanka Banaadir

Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay jawaab cad ka bixiso sababta ninkaan loo dilay iyo in lasoo qabto gacan ku dhiglaha isla markaasna maxkamad lasoo taagoisaga iyo Gaafoow.
Gaafoow ayaa waxay isku heeb yihiin Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana looga fadhiyaa tallaabada uu ka qaado Gaafoow iyo darawalkiisa, maadaama uu Kheyre xilkii ka qaaday Hanti dhowrihii qaranka oo ay ilaaladiisa dileen Wasiir Siraaji.

Waxaa la xiray Ilaaladii Hanti dhowraha ee dilka geystay, sidoo kalana isna xilka ayaa laga qaaday, balse dilka uu geystay darawalka Gaafoow iska daa inay dowladda tallaabo ka qaado Gaafow meel laguma sheego darawalkii dilka geystay midaas oo noqon doonto shaki cusub oo laga qaado dowladda dhexe gaar ahaan Ra’isulwasaare Kheyre.

Cadaaladda waa inay meel kasta gasho, sidoo kalana la arko xisaab dhab ah oo loogu dhaqaaqo General Gaafow oo ay isku heeb yihiin Ra’isulwasaaraha, maadaama ay dowladda Soomaalya horey u sheegtay inaan cadaalad la’aan nolol aysan jiri Karin.

Wixii warar ah ee kiiskaan kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET