28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Qadar oo sheegtay cidda mas’uulka ka ah dhibta heysata Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamda Al Thaani, ayaa shaaca ka qaaday in dhibta ka jirta Somalia ay mas’uul ka tahay Beesha Caalamka.

Amiirka ayaa sheegay in Somalia ay u burbureyso daacad la’anta Beesha Caalamka waxa uuna ku baaqay in wax laga qabto dhibta haraadiga ku ah Somalia.

Amiir Tamiim Bin Xamda, ayaa sheegay in Somalia ay kasoo gudubtay sidii ay aheyd dhowr sano ka hor, hayeeshee ay caqabada koowaad tahay Beesha caalamka.

Tamiim Bin Xamda, waxa uu carab dhabay in dhibaatada Qaxootiga iyo Korarka ay tahay arrin Mas’uuliyadeeda ku noqoneyso Beesha Caalamka.

Waxa uu sheegay in Shirka Dooxa Forom ee 17aad hal ku dhigiisu yahay Kobaca, Xasiloonida iyo Arrimaha Qaxootiga, hayeeshee in dhammaan qodobadaasi ay saameyn ku leeyihiin Somalia oo dhan waliba ka liidata.

Sidoo kale Amiirka Qatar ayaa sheegay in Dagaalada Sokeeye iyo Colaaduhu ay sabab u yihiin Qaxootiga ayna haboontahay in gudaha laga xalliyo si looga baaqsado Qaxootiga Soomaalida ee sii kordhaaya.

Dhinaca kale, Amiirka Qadar ayaa cod dheer ku sheegay in caalamka uusan ka go’neyn in Somalia ay hesho jawi xasilooni leh.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News