Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan booqan doono dalka Masar kadib markii uu helay casuumaad rasmi ah, wuxuuna safarkaan noqonayaa midkii 8-aad ee uu dibadda ku aado.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tagaya dalka Masar isaga oo casuumaad ka heysta dowladda Masar, waxaana casuumaada u fidiyay madaxweynaha dalkaasi masar C/Fataax Al-siisi.
Haddaba safarkaas ayaa wuxuu sababi doonaa inuu xumaado xiriirka ka dhaxeeyo dowladda Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Madaxweynayaasha Itoobiya iyo Soomaaliya ay dhawaan kulan yeesheen kulan dib loogu soo nooleenayey xiriirka labada dowladood oo bilooyin shaki ku jiray markaas oo ay isla garteen inay iskaashadaan.
Labada Dowladood Masar iyo Soomaaliya ayaa la rajeenayaa inay ka wada hadli doonaan khilaafka Itoobiya iyo Masar ee ku saabsan wabiga Niil waxayna midaas sababi doontaa inuu xumaado xiriir Itoobiya iyo Soomaaliya, maadaama Khilaafka Niil uu marayo meel xasaasi ah oo laga yaabo inay gaarto Qaramada Midoobay.
Labada dowladood Masar iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale ka wada hadlayo dhisitaanka ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo la filayo inay Dowladda Masar qeyb weyn ka noqon doonto howshaan dib loogu soo nooleenayo awoodii ciidamada Soomaaliya, waxaana Itoobiya siyaasadeeda Soomaaliya ka mid ah inay la dagaasho dowlad kasta oo ay u aragto inay ka shaqeeneyso dib u dhiska ciidamada Qaranka Soomaaliya.
Haddii ay dhab noqoto inay labada dowladood ka wada hadlaan arrimo la xiriiro wabiga Niil, waxayna midaas sababi doontaa inuu xumaado xiriirka labada dowladood, sidoo kalana arrinta ku aadan dib u dhiska Ciidamada Soomaaliya oo ay ka wada hadlayaan Soomaaliya iyo Masar ayaa keeni doono inuu Itoobiya kusoo fogaado khilaafka kala dhaxeeyo Masar maadaama ay Itoobiya xiriirka u jarto dowlad kasta oo ka shaqeeneyso danaha ciidamada Soomaaliya.
Waxaa la xasuustaa inuu xumaaday xiriirka Dowladaha Turkiga iyo Itoobiya, kadib markii ay Turkiga qeyb weyn ka noqotay dhismaha Ciidamada Soomaaliya, iyadoo weli ay Turkiga tabar siisay 30 Duuliye oo kaxeyn doono diyaaradaha Dagaalka ee Soomaaliya.

