Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Bedel Jaamac Xirsi oo ku magac dheer ”Bedel Laangare”, ayaa shaaca ka qaaday in Nabadoonada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ay aad uga soo horjeedan Madasha Hor u socod ee looga dhawaaqay magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.
Nabadoonka ayaa sheegay in Madashu ay tahay mid dib loogu celinaayo Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Nabadoonada iyo waxgaradka ay aad uga soo horjeedan Madasha lagu dhisay Kenya.
Nabadoon Bedel Jaamac Xirsi, ayaa tilmaamay in DFS aysan dib ugu laaban doonin halkii dhowr sano ka hor laga soo guuriyay waxa uuna ku baaqay in lala dagaalamo Xildhibaanada wada Madasha Hor u socod.
Nabadoon Bedel Jaamac Xirsi, ayaa sheegay in Xildhibaanada ku mideysan Madasha ay gabi ahaan toodu yihiin kuwo ka gadoodsan xilal ay ka waayen dowlada waxa uuna carab dhabay in dowladu aysan qof waliba xil ku qancin karin.
”Waxaan u sheegayaa kuwa dhistay Madasha Hor u socod inaanu xil uga banaaneyn dowlada, dowladu diyaar uma aha inay dagaal la gasho shaqsiyaad is u ruursaday waxaana ku baaqeynaa in si mideysan looga soo horjeesto Madasha”
”Somalia wey ka gudubtay xiligii la sameyn lahaa ururo lagu mucaaradaayo dowlada, waxaan u sheegayaa kuwa dhistay ururka inaanu ku khaldamin hana ogaadan in dowladaani ay tahay mid shacab oo aan waxba laga qaadi karin”
Nabadoonka waxa uu tilmaamay in Xildhibaanada midoobay ay Kalsooni darro xoogan kaga imaan doonto dhanka Shacabka maadaama Shacabka Soomaaliyeed ay doonayaan Dowlad cagaheeda isku taagta oo hadda ififaalaheeda ay muuqdaan.
Dhinaca kale, Nabadoonka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay iska qabtaan shaqsiyaadka u xuub siibanaaya inay curyaamiyaan dowladii ay usoo banaan-baxeen Kumanaanka shacab.

