Xog: Kheyre oo codsaday dhismaha garoonka Dayniile (Yaa la siinayaa mashruuca?)

Muqdisho (Caasimada Online) – R/W Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galay shirkii Doha Forum, ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha Qatar Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani, kaasi oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo isugu jira sidii Soomaaliya looga caawin lahaa arrimaha amniga iyo horumarinta mashaariic dib loogu dhisayo dalka.

Kheyre ayaa waxaa uu miiska soo saaray in ay dowladda Qadar ka caawiso in la dhiso garoonka macmalka diyaaradaha ee Dayniile ee Muqdisho, beeshiisa ay gacanta ku hayso, maadaama buu yiri garoonka Muqdisho uu aad u mashquulay.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in R/W Kheyre uu qorsheynayo in dhammaadka sanadkan 2017, garoonka Dayniile loo wareejiyo dhammaan duulimaadyada diyaaradaha dalka keena khaadka.

Ilo-wareedyo ku dhow xafiiska R/W ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in maamulka garoonka Dayniile loo ballan qaaday oo mashruuc looga dhigayo taliyihii hore ee NISA Generla Cabdullaahi Gaafow Maxamuud oo aan hadda wax xil ah ka hayn dowladda, balse ay isku beel yihiin Kheyre.

Garoonkan, oo Maxamed Qanyare uu hadda ka hor qeybo ka mid ah ka xoogay dadka deegaanka, ayaa waxaa dib u dhiskiisa iska kaashan doona dowladda federaalka ah iyo dalka Qatar.

Ganacasada keena Qaadka ayaanan la saadaalin karin sida aay ka yeeli doonaan in diyaaradahooda loo wareejiyo garoonka Dayniile.

Dowladda Federaalka ah ayaa dhawaan si adag uga hor yimid in diyaaradaha qaadka aay ka degaan garoon Jowhar ee maamulka HirShabelle, waxaana hadda is-weydiin mudan waxa is-beddelay.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET