Kenya (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Xildhibaanada ku shirsan magaalada Nairobi ee gudaha Asbuucaani ku dhawaaqay Madal cusub oo looga soo horjeedo Xukuumada Somalia.
Guddoomiyaha Madasha C/rashiid Xiddig ayaa la sheegay inuu ku guda jiro tashkiilinta Xildhibaanada kale ee ka tirsan Labada Gole ee dalka, gaar ahaan kuwa ka madaxbanaan xildhibaanada ku bahoobay Madasha Hor u socod ee iminka ku dhaqan magaalada Nairobi.
Guddoomiyaha ayaa la xaqiijiyay inuu diiwaan galiyay Xildhibaano hor leh oo ka madaxbanaan Xildhibaanada Madasha ee cadadkooda lagu sheegay 88 Xildhibaan, waxaana iminka sii kordhay tirada Xildhibaanada ku biiraaya Madasha.
Xildhibaanada dheeriga ah ee iminka is diiwaan galiyay ayaa la xaqiijiyay inay gaarayaan 11 Xildhibaan oo 6 kamid ah ay ka tirsan yihiin Golaha Shacabka, halka 5ta hartayna ay kamid yihiin Golaha Aqalka Sare ee dalka.
Xildhibaanada mucaaradka ku bahoobay Madasha Horusocod ayaa qeybta iminka ku sugan magaalada Muqdisho ka dhex xushay hal Xildhibaan kaa oo la sheegay inuu u qaabilsan yahay diiwaangalinta iyo gudbinta magacyada Xildhibaanada cusub ee daneynaaya inay ku biiraan Madasha.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa la sheegayaa in mucaarado adag kaga soo fool leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka, kuwaasoo xilligan doonaya in xaalad ka duwan tii hore inay ku wajahnaa la xisaabtanka Xukuumadda iyo qeybaheeda kala duwan.
Docda kale, qorshaha Madashan ayaa ah inay u xuubsiibtaan xisbi mucaarada ah oo noqon doona kuwo aqlabiyad ku leh Golaha shacabka.

