28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Saameyn intee la eg ayey R/W Kheyre ku yeelan doontaa madasha looga dhawaaqay Nairobi?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Onlin) – Ku dhawaad 100 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya uga dhawaaqay dhawaan madal ay ku magacabeen HORUSOCOD.

Guddoomiyaha Madashaan cusub Xiddig ayaa ka dhawaajiyey in ujeedka ugu weyn oo ay ka leeyihiin madashaan ay tahay sidii wax looga badali lahaa siyaasadda ay ku shaqeyso dowladda Soomaaliya gaar ahaan Ra’isulwasaare Kheyre.

Haddaba dadka u dhuun daloola siyaadadda Soomaaliya iyo isbadalada ku dhaco ayaa qiyaas ka bixiyey saameynta ay Madashaan ku yeelan karto Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xukuumadiisa oo ah meesha ugu badan oo ay Xildhibaanada cabashada kasoo gudbiyeen, maadaama ay iska waayeen liiska Xukuumadda ama ay heli waayeen dano ay ka lahaayeen dowladda.

 

 

Meesha ay saameynta ugu badan ku yeelan doonaan Xildhibaanada ku dhawaaqay madashaan ayaa ah Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo xukuumadiisa, waxayna qorsheenayaan inay mooshin ka keenaan xukuumadda oo ay ku tilmaameyn inay ku dhaqanto siyaasadda ku tiirsan la tashi la’aan.

Sida xogta ay ku heleyso Caasimadda Online, Xildhibaanadaan ayaa qorsheenayo inay mooshin ka keenaan Ra’isulwasaare Kheyre marka la furo kala fadhiga labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ku beegan ramadaanka kadib.

Marka laga hadlayo saameynta ay Xildhibaanaan ku yeelan karaan Ra’isulwasaare Kheyre, waxay u baahnaan doonaan inay helaan Xildhibaano kale si ay u gaaraan kooramka ay ku ridi karaan Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, balse haddii ay ku guul dareystay inay helaan Xildhibaano kale uma suurta geli karto inay wax saameyn ah ku yeeshaan dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa hor yaalo shaqo aad u adag, waxana looga fadhiyaa sidii ay u kala furfuri lahaayeen xildhibaanadaan midoobay, sidoo kalana waxaa waajib ku noqoneyso inay dagaal u galaan sidii aysan u heli laheyn Xildhibaano kale.

Haddii ay madaxda ugu sareyso dowladda intaas ku guuleystaan waxaa fashil kusoo dhammaan doono qorshaha mucaaradnimada ah oo ay wadaan Xildhibaanadaan ku midoobay Magaalada Nairobi oo ay gadaal ka riixyaan qaar ka tirsan Musharixiintii doorashada looga guuleystay oo ay kamid yihiin Cumar Cabdirashiid iyo Xasan Shiikh Maxamuud, sidoo kalana waxaa gogosha madasha looga dhawaaqay dhigay xisbiga Daljir oo la sheegay inuu ahaa midkii doorashada Soomaaliya u yeelay wajiga cusub.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News