Nairobi (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa lagu waramayaa in uu safar ugu amba-baxay dalka isaga oo aaday Nairobi, Kenya.
Ujeedka Safarka Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa lagu sheegay inuu yahay mid ku saleysan kulamo uu la qaadan doono deeq bixiyeyaasha beesha caalamka.
Safarka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ahaa mid aan horey logoa sii warqabin, waxaana la filayaa inuu halkaas kulamo kula soo qaato madax ka trisan deeq bixiyeyaasha Beesha Caalamka/
Safarka Jawaari waxaa uu imaanayaa maalmo kadib markii Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ay kutlad uga dhawaaqeen magaalada Nairobi taasi oo lagu sheegay mid mucaarad ah.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaan la ogeyn haddii uu halkaas kulamo kula yeelan doono Xildhibaanada mucaaradka ah ee halkaas madasha uga dhawaaqay, inkastoo ay jiraan warar sheegayey inuu Jawaari ka warqabay qorshaha madashaan loo dhisay.

