26.8 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Fiqi iyo Xasan Shiikh oo wada kulmay: “Doqoni waxey ogayd meeshii lagu diriray ee ma ogayn halka lagu heshiiyey “

Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimadda Online) – Axmed Macalin Fiqi oo kamid ahaa siyaasiyiinti sida weyn uga soo horjeeday Xasan Shiikh Maxamuud isla markaasna qeyb ka ahaa qorshihii uu Farmaajo ugu guuleystay Doorashada Soomaaliya ayaa booqday gurisga uu Xasan Shiikh Maxamuud ka dagan yahay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Hon Ahmed Fiqi  ayaa booqashadaas kadib boggiisa rasmiga ah ee Facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo booqashadii uu Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ugu tagay gurigiisa iyo haddii ay labada siyaasi heshiiyeen.

Fiqi ayaana bartiisa Facebook soo dhigay sawirka labadooda oo isla sawiran iyo hadalada hoos kaaga muuqdo

“ Kala maqnaansho dheer, kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo rag & xaalkii ah ka dib, waxaan xalay guriga uu deggan yahay Ankara ku booqday H.E. Xasan Sh. Maxamuud madaxweynihii hore ee Soomaaliya, oo soo dhowayn iyo marxabayn badanna aan kala kulmay”

Soomaalida ayaa ku maahmaahda “doqoni waxey ogayd meeshii lagu diriray ee ma ogayn halka lagu heshiiyey “, waxaan madaxweynaha isla Xirnay xisaabta cutubkii hore, annagoo si qoto-dheer uga sheekaysannay siyaasadda dalka waqtigii la soo dhaafay iyo mustaqbalka, xog-ogaalnimo badan & waaya-aragnimo dheer ayaan ka kororsaday mudadii aan wada qaadannay madaxweynaha.

Halkaan ayaadna ka arki kartaa qoraalka Fiqi oo ku qoran boggiisa rasmiga ah

 

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News