28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Madaxweyne Farmaajo oo maanta safar dibedda ah u baxaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo wafdi uu Hogaaminaayo ay ku wajahan yihiin dalka Saciidiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa Safarka maanta ku wehlin doona Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Somalia, oo ka qeybgali doona shir ka furmi doona magaalada Riyadh.

Safarka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu shegay in dalka Sucuudiga uu uga qeybgeli doono shirka Wadamada Jaamacadda Carabta iyo kan Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump kaas oo Sanadkiiba mar ay ku wada kulmaan madaxda Wadamada Jaamacadda Carabta iyo Madaxweynaha Mareykanka.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa arrimo dhowr ah oo khuseeya xaaladaha ka jira Wadamada Bariga dhexe iyo tan Somalia, oo ay muhiim u arkaan Madaxda dalalka Carabta.

Safarka Madaxweynaha ayaa noqonaya Safarkii 8aad ee uu dalka kaga baxo waxa uuna sidoo kale noqon doonaa safarkii labaad ee uu ku tago dalka sacuudiga.

Warar hoose oo aan ka heleyno Villa Somalia ayaa sheegaya in markii uu soo xirmo shirka uu Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la kulmi doono dhigiisa dalka Mareykanka Donald Trump.

Dhinaca kale, waxaa ka qeybgalka shirkaasi ka cudurdaartay Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News