25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Xog: Fahad Yaasiin oo kala diray hab-maamuuskii Farmaajo iyo madaxii oo xilka laga qaaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in la kala diray dhalinyaradii qaabilsaneyd Hab Maamuuska ”Protocol-ka Madaxweynaha”.

Isbedelka dhalinyarada qaabilsaneyd Hab Maamuuska Madaxweynaha ayaa yimid kadib markii maalin un ka dib la magacaabay Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin.

Xogta aan ka heleyno Villa Somalia ayaa sheegeysa in ilaa iyo hadda shaqada laga eryay xubno gaaraya ilaa 11 oo u badnaa qeybaha Hab Maamuuska.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in xil ka qaadis lagu sameeyay C/llaahi Kulane oo ahaa Agaasime ku-xigeenkii Madaxtooyada iyo Madaxii Protocol-ka Madaxweynaha C/llaahi Yuusuf oo sababsaday Agaasimaha cusub ee Villa Somalia.

Xubnaha Protocol-ka ee laga eryay Villa Somalia ayaa la sheegay in dib loogu celshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo markii hore laga soo xulay.

Xubnaha la eryay ee qeybta ka ahaa Protocol-ka Madaxweynaha ayaa tirro ahaan lagu sheegay ilaa 8 Xubnood oo si dhow ula shaqeynaayay Madaxweynaha dalka.

Bedelka dhalinyaradani ayaa waxaa iska kaashtay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Khaliif C/qaadir Macalin Nuur iyo Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin, waxaana iminka lagu wareejiyay warqadaha bedelka.

Qorshaha Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin, ayaa ah in Agaasime ku-xigeen Madaxtooyada loo magacaabo qof dumar ah, halka Agaasime ku-xigeenkii C/risaaq Shoole uu doonayo inuu ku wareego booskii Kaaliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha.

Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa sheeda ka daawanaaya isbedelada ka socda Villa Somalia oo ay sameynayaan howlwadeeno uu ku magacaabay wareegto.

Dhinaca kale, dowlada Farmaajo ayaa noqoneysa dowlada ugu mashquulka madan dhinacyada isbedelada, Isku shaandheynta iyo xil ka qaadista.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News