London (Caasimada Online) – Waxaa la rumeysan yahay in dad badan ay dhinteen qaarna ay dhaawacmeen kadib markii baabuur uu dad ku jiray, qaarna lagu weeraray mindi agagaarka buunda London ee magaalada London, sida ay sheegeen booliiska Britain.
Booliiska ayaa sheegay inay ka jawaabeen markii baabuur nooca Van-ka uu dad badan ku jiiray bartamaha London. Illaa 20 qof ayaa la sheegay in baabuurka uu dhulka ku jiiray.
Waxaa la xaqiijiyey illaa saddex nin oo midkiiba uu wato mindi dhererkoodu yahay 12 inch inay fulinayeen weerarka, oo ay dadka beegsanayeen, markii ay baabuurka kasoo dageen kadib.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay inay arkeen dad badan oo dhulka yaal oo aan nuuxsaneyn. Mid ka mid ah ayaa sheegtay inay indhaheeda ku aragtay ugu yaraan saddex qof oo surka laga jaray.
Waxaa illaa hadda la xaqiijiyey dhimashada toddoba qof iyo dhaawaca 30 qof oo kale. Booliiska ayaa sidoo kale toogtay saddexdii nin ee weerarka soo qaaday.
Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in sidoo kale la maqlay rasaas dhaceysa, inkasta oo aysan caddeyn haddii rasaastan iyo weerarka baabuurka ay wada xiriiraan.
Weerarakan ayaa lagu sheegay weerar argagixiso.
Toddobaadkii tagay ayaa waxaa weerar qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Manchester lagu dilay 23 qof, waxaana lagu dhaawacay in ka badan 64 qof.
Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]