25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Dhageyso: “Farmaajo iyo Kheyre waxba nooma geysan, dowladdii hore ayaa xaqeenii ku tumatay”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee maamul goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa ka hadlay mowqifka Maamulka Puntland ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in hadii ay yihiin Madaxda Maamulka Puntland ay aad u atgersan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana dowladdii tan ka horeysay ay ka waayeen xaquuqdii ka maamul ahaan ay ku la haayeen.

“Dowladda hada jirta ee Farmaajo,iyo Kheyre waan taagersan nahay laakin anaga dowladdii tan ka horeysay ayaa na dulmisay oo aan ka weynay xaqeenii, waxayna noo aheyd  sacii cirka kasoo dhacay ee Dhurwaaga nagu noqday, laakin tan hada jirto rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa” ayuu yiri Axmed Karaash

Maamulka Puntland ayaa horay u dhaliili jiray dowladdii uu hoggaamin jiray Xasan Sheekh Maxamuud waxana xusid mudan iyo dhowr mar Garoowe lagu qabtay shir lagu dhex dhexaadinayay maamulka Puntland iyo dowladii uu madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa sidoo kale maalmihii dhowaa jiray khilaaf cusub oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo Puntland, kaasi oo ka dhashay shatiyo kalluumeysi oo ay bixisay Puntland kuwaasi oo dowladda dhexe ay ka hor timid.

Halkan hoose ka dhageyso wasiirka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News