Maxaa kala socotaa xiisadda meesha xun mareysa ee Qatar iyo dalalka khaliijka?

Doxa (Caasimada Online) – Kooxo lagu sheegay (Hackers) ayaa la rumeysan yahay inay telefishinka iyo warbaahinta dowlada Qatar ay ku shaaciyeen xog been ah oo abuurtay xiisad ka dhex bilaabatay dalalka Khaliijka.

Qoraalada beenta ah ee lagu baahiyey warbaahinta dowlada Qatar ayaa ahaa khudbad been ah oo la sheegay inuu jeediyey Amiirka Qatar Al Thani xili uu ka qeyb galayey xaflad loo dhigay ciidamada dowlada.

Warbixintaasi ayaa lagu yiri in Amiirka Qatar uu sheegay in dalalka Khaliijka looga baahan yahay inay xiriir dhaw la yeeshaan kooxaha Xamas iyo Xisbullah oo ay u aqoonsadaan kooxo xaq u dirir ah, isla markana dalalka khaliijka ay joojiyaan cadaawada ay u hayaan IRAN. Waxaana intaasi loo sii raaciyey in Amiirka Qatar uuu sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Trump uusan wakhti dheer xilka sii heyn doonin.

Qatar ayaa si adag u beenisay warkan beenta ah ee laga faafiyey Amiirkooda. Hase yeeshee arrintan ayaa keentay caro Qatar uga timid Sacuudiga iyo Imaaraatiga oo dhibsaday warkaasi ay baahisay warbaahinta Qatar.

Dowladaha Khaliijka qaarkooda ayaa bilaabay inay hawada ka saaraan Telefishinka Aljazeera oo fadhigiisu yahay dalka Qatar.

Weli lama oga cida ka danbeysay weerarkan la sheegay in lagu qaaday warbaahinta Qatar ee lagu faafiyey wararkan, balse baaritaanka ayaa weli socda.

Dhinaca kale koox kale oo jabsata Computerada ayaa sheegtay inay jabsadeen Emailka Safiirka Imaaratiga u fadhiya dalka Maraykanka, waxayna sheegeen inay todobaadka soo socda ay shaacin doonaan xog badan oo xasaasi ah oo ay halkaasi ka heleen.

Caasimada Online
Xafiiska muqdisho
caasimada@live.com