25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Muuqaal: Farmaajo oo gacan u qaaday mid kamida Ilaaladiisa khaaska ah, kadib markuu ka hor istaagay shacabka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qeyb galay banaabaxii loogu dabaaldagayey 100-kii maalin ee ugu horeysay dowladda Soomaaliya ayaa u gacan qaaday mid kamid ah ilaaladiisa khaaska ah.

Madaxweynaha ayaa la arkayey isagoo u gacan qaadayo askarigaan ka tirsan ilaaladiisa khaaska ah oo isku dayey inuu is hor istaag ku sameeyo shacab badan oo doonayey inay Madaxweynaha salaamaan.

Madaxweynaha ayaa dharbaaxo ugu shubay askariga wuxuuna amray inuu isaga dhaqaaqo meesha, waxaana wajigaha Madaxweynaha laga dareemayey xanaaq ku aadan inuu aad uga xumaaday in is hor istaag lagu sameeyo shacabkiisa taageersan ee doonayey inay gacan qaadaan.

Markaas kadib madaxweyne Farmaajo ayaa bilaabay inuu gacan qaado shacabkii Soomaaliyeed ee ka qeyb galay xafladda lagu soo dhaweenayey boqolkii maalin ee ugu horeysay dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn khudbad xasaasi ah u jeediyey shacabka kasoo qeyb galay banaaxbaxaas wuxuuna u ballan qaaday inuu fullin doono dhammaan ballan qaadkii ay sameysay dowladda.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka Madaxweyna oo gacan u qaaday mid kamid ah ilaaladiisa gaarka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News