Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo uu ku biiray xalinta Khilaaf Siyaasadeedka ka dhexeeya wadamada Sacuudiga iyo Qadar.
Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu xiriir dhanka Teleefoonka ah la sameeyay Amiirka Qadar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, waxa uuna ugu baaqay inuu u istaago xaliyaan Khilaafka kala dhexeeya dalka Sacuudiga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Amiirka Qadar u sheegay in colaadaha kala dhexeeya Sacuudiga uu saameyn ku yeelankaro dhowr dal oo Islaam ah, sidaa darteed ayuu usoo jeediyay in xal degdeg ah laga gaaro.
Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa xiriir kaa lamida la sameeyay Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin C/casiis, waxa uuna ugu baaqay inuu qaboojiyo xiisada kala dhexeysa dalka Qadar.
Farmaajo waxa uu boqorka ugu baaqay in dalalka Khaliijka ay midowgoodi ahaadaan, oo khilaafka meel iska dhigaan.
Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu Amiirka iyo Boqorka Sacuudiga u cadeeyay in mowqifkiisa uu yahay in laga gudbo xasarada ka dhex oogan, isagoo ballanqaaday inay muujin doonaan kaalintooda ku aadan qaboojinta xiisada.
Dowlada Somalia ayaa dhaqaale xoogan ku heysata wadamada uu khilaafka ka dhexeeyo, waxa ayna iska fogeysay inay dhinac la safato.
Tani waxa ay kusoo beegmeysaa xili Dalalka Sacuudiga, Imaaraatiga, Baxreyn, Liibiya iyo Yemen ay sheegen inay xiriirkii u jareen Qatar.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]