Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa ka hadashay go’aanka ay Golaha Wasiirada Xukuumada India ku meelmariyeen heshiiska dhigaaya in Somalia iyo India ay is weydaarsadan Maxaabiista.
Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ”Eng. Yarisow”, ayaa sheegay in DFS ay ka mahadcelineyso go’aanka ay qaaten Golaha Wasiirada waxa uuna sheegay in go’aankaasi uu kusoo beegmay xili muhiim ah.
“Dowlada Federaalka waxey u mahadcelineysaa Dowlada Inida oo ka dhabeeyey heshiiskii aan wada gaarnay isla markaasna xushmeeyey si muwaadiniinteena ku xiran xabsiyada dalka India loo keeni lahaa dalkooda hooyo.
Yarisow, waxa uu sheegay in talaabada lagu meelmariyay Heshiiska labada dal ee suuragalinkara in leys weydaarsado Maxaabiista uu sii xoojinaayo xiriirka labada dal ee soo jireenka ah.
Waxa uu sheegay in maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalkaas India la keen doono dalkooda hooyo si ay ugu soo dhowaadaan qoysaskooda iyo shacabkooda.
Dowladda Federaalkan ay ka shaqeyn doonto sidii maxaabiistaas loo dhaqancelin lahaa oo marka ay xabsiga dhameystaan ay u noqon lahaayeen muwaadiniin ka qeyb qaata dib u dhiska dalka.
Tani waxa ay kusoo beegmeysaa xili Golaha Wasiirada ay ansixiyey dhaqangelinta Heshiiskii Soomaaliya iyo Inida ay kala saxiixdeen ee ku aadanaa in maxaabiista la is-weydaarsado.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]