27.9 C
Mogadishu
Thursday, June 19, 2025

Muqdisho oo laga furayo xafiis lagu hubinayo Ilaalada wasiirada iyo xildhibaanada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdixakiin Daahir Saciid, Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in gudaha Bishaani magaalada Muqdisho laga furi doono Xafiis lagu diiwaan galinaayo dhammaan Ilaalada gaarka ah ee la socta Madaxda Dowlada.

Taliyaha ayaa sheegay in Xafiiskaasi lagu diiwaan galin doono Ilaalada Wasiirada, Xildhibaanada, Siyaasiyiinta iyo dhinacyada kale ee Ilaalada iyo Hubka wata.

Taliyaha waxa uu tilmaamay in furitaanka Xafiiska uu noqon doono mid lasoo dadajiyo, si loo sahlo la socodka Ciidamada Hubeysan.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in Astaan iyo dhar gaar ah loo sameyn doono Ilaalada ay wataan Madaxda dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo Ammaanka.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in aan magaalada Muqdisho lagu arki Karin Ciidamo aan wadan warqad Aqoonsi marka laga reebo Ciidamada Xasilinta Caasimadda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda Howlgalo lagu ugaarsanaayo shaqsiyaadka Hubeysan kuwaa oo lagu eedeeyay in Hubkooda ay u isticmaalan qaab khaldan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News