Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dalka dib ugu soo laabtay Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Dahir oo xilka Agaasimenimo loo magacaabay laba todobaad ka hor.
Fahad Yaasiin oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa maanta oo Isniin ah la wareegay xilka Agaasimenimo ee Villa Somalia.
Fahad Yaasiin ayaa magacaabidiisa kadib ka safray magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa inuu gaaray magaalada Doha ee dalka Qadar si uu isaga casilo xilka uu ka hayay Tv-ga Al-Jazeera oo uu ka shaqeynaayay muddo dhowr sano ah.
Fahad Yaasiin ayaa maanta xilka kala wareegay Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada C/risaaq Shoole, waxaana Safar dalka dibadiisa ah dalka uga maqnaa Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Abuukar Baalle.
La wareegida xilka kadib waxa uu isla maanta Fahad ka howlgalay Xafiiskiisa, waxa uuna dhag dhageystay qaar kamid ah Howlwadeenada Villa Somalia, ee maamul ahaan isaga hoostaga.
Villa Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Farmaajo yeelatay ilaa saddex agaasime, oo mid ka mid ah uu ahaa KMG.
Sidoo kale, Howlwadeenada Villa Somalia ayaa walaac ka muujinaaya isbedelka labaad ee uu maagan yahay Agaasimaha cusub, waxaana lasoo warinayaa in Agaasimaha uu doonaayo inuu kala diro Kooxda labaad ee kasoo hartay dowladii Xasan Sheekh ee weli ku guda jira shaqooyinkooda Qaran.
Si kastaba ha ahaatee, Howlwadeenada ka garab shaqeysa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa loo kala qeybiyay Seddex qeyb waxaana iminka Villa Somalia laga saaray qeybta koowaad, iyadoo ay weli harsan tahay laba qeyb.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]