32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sawirro: Sidee ayaa R/W Kheyre loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu Hogaaminaayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Ra’isul wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa magaalada Addis Ababa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada Ethiopia.

Ra’isul wasaaraha ayaa Addis Ababa uga qeybgalaaya Shir degdeg ah oo looga hadlaayo arrimaha dalka South Sudan, waxaana ka qeyb galaaya siyaasiyiin iyo madax kala duwan.

Shirka Urur goboleedka IGAD ayaa looga hadlayaa colaadaha iyo xaaladaha beni’aadanimo ee ka jira dalka Koofurta Sudan, iyadoo shirkan uu todobaadkii hore ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia oo shir guddoonka shirka ah.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa inta uu joogo Addis Ababa waxaa uu la kulmi doonaa Madaxda wadamada IGAD ee shika ka qeyb galaya.

- Advertisement -

Read more

Local News