Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha Shacabka JFS, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay howlgalada Hub ka dhigista ah ee ka socda magaalada Muqdisho.
Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sheegay inay muhiim tahay in la taageero Hub ka dhigista, waxa uuna cadeeyay in talaabada noocaasi ay amni u horseedeyso dalka.
Cawad, waxa uu sheegay in amni darida ugu badan ee ka jirta magaalada Muqdisho ay tahay mid ka dhalatay Hubka oo ku jira guryaha iyo kuwa ay wataan Kooxaha Hubeysan ee aan kamid aheyn DF.
Cawad, waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho ay u baahan tahay amnig, lagu gaari karo wada shaqeyn dhexmarta ciidamada iyo dadka shacabka ah.
Ciidamada DFS ayuu ugu baaqay inay la dhaqmaan dadka shacabka ah, si loo gaaro xasilooni iyo wada shaqeyn buuxda oo dhexmarta shacabka iyo ciidanka.
Sidoo kale, Cawad ayaa cadeeyay inay ka dabatagi doonaan Hubka laga qaado dadka Hubeysan, waxa uuna iminka cadeeyay inay kormeeren xarunta CID oo Hubka qaar la geeyay.
Dhinaca kale, waxa uu ku baaqay in la xajiyo Hubka laga qaado dadka Hubeysan si aanu uga bixin gacanta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]