Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa xabsi dhigay Ismaaciil Cumar oo dhawaan laga soo eryay dalka isu taga Imaaraadka carabta xili uu halkaa uga qeybgalaayay tartanka Quraanka.
Ismaaciil Cumar ayaa la xiray xili uu ku sugnaa Garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa kuna sii jeeday dalka Qadar.
Ciidamada amaanka maamulka ayaa la sheegay inay baaritaan ku hayaan Ismaaciil Cumar oo doonaayay inuu gaaro magaalada Doha, kadib qiyaanadii ay kula kaceen Imaaraadka.
Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Ismaaciil Cumar uu mari doono baaritan ku aadan sababta ka danbeysay inuu u safro magaalada Doha.
Ismaaciil Cumar, ayaa la sheegay in dowlada Qadar ay usoo adeejisay muwaadin kale si uu u gaaro magaalada Doha oo inta badan si gaara looga qadariyo dadka xaafidul Qur’aanka ah.
Maamulka Somaliland ayaa aad uga soo horjeeda in Ismaaciil Cumar uu gaaro magaalada Doxa, xili Somaliland ay garab u noqotay xulafada Sacuudiga.
Dhawaan ayay aheyd goortii maamulka Somaliland uu shaaca ka qaaday inay xiriirka u jaray dowlada Qadar oo xiisad kala dhexeysa Sacuudiga.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

