Garoowe (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa lugu shaaciyay mowqif ay sheegtay inay ka qaadatay qaabka loo wado dib u eegista Dastuurka Federaalka Soomaaliya, waxayna sheegta sida hadda wax loo wado in aysan sax aheyn.
War-saxaafadeedka oo ka koobna labo bog ayaa lugu caddeeyay Puntland inaysan qayb ka hayn tillaabo kasta oo khilaafsan hanaanka dib-u-eegista iyo habraaca waxka-bedelka Dastuurka.
Puntland ayaa mowqifkeeda u cuskaneysay qodobbo dastuurka ku jira.
War-Saxaafadeedka Puntland kasoo baxay oo dhameystiran akhri:-



