30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Kheyre oo shaaciyay arrin rajo galisay shacabka Soomaaliyeed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in dowladaha adduunka ay usoo jeesteen isgarabtaaga Somalia.

Kheyre waxa uu sheegay inuu jiro farqi u dhexeeya xiliyadii kala duwanaa oo ay soo martay Somalia iyo xiliga hadda lagu jiro, waxa uuna cadeeyay in xiligaani uu adduunka garab taagan yahay Somalia.

Kheyre ayaa sheegay in dowladaha adduunka ay go’aankaasi qaaten wixii ka danbeeyay markii ay arkeen in Soomaalida ay ka go’an tahay inay waxqabsadaan waxa uuna ku baaqay in lasii xoojiyo muujinta baahida ay Soomaalida u qabaan waxqabsiga.

Waxa uu tilmaamay in wadamada Caalamka ay u soo jeesteen wax u qabashada Soomaaliya, loona baahan yahay shacabka Soomaaliyeed arrintaasi in ay taageeraan.

Waxa uu sheegay Soomaaliya mudo badan in ay ku soo jirtay dhibaato iyo Dagaalo, wixii hada ka dambeeyana loo baahan yahay sidii looga wada shaqeyn lahaa sidii horey ay ugu sii socon laheyd.

Sidoo kale, Kheyre ayaa sheegay shacabka Soomaaliyeed in laga doonayo in ay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka, maadaama Beesha Caalamka ay taageero dhan walba ah Soomaaliya la garab taagan tahay.

Khayre wuxuu kaloo sheegay isaga, Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee Dowladda in ay u istaageen sidii Soomaaliya ay horey ugu sii socon laheyd, si loo gaaro hormaro balaaran.

Haddalka Kheyre ayaa imaanaya xili dowlada Somalia ay horay u ballanqaaday inay Somalia ay ka dhaqan galin doonto barnaamijo adduunka loogu muujinaayo sida ay Somalia ugu nugushahay dowladnimada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News