Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa, ee caasimadda dalka Ethiopia, sida ay xog gaar ah ku shaacisay Caasimada Online 26-kii June.
“Waxaan maanta u safrayaa magaalada Addis Ababa, si aan uga qeybgalo Shirk 29-aad ee Midowga Africa,’ ayuu ku yiri Mudane Kheyre Bogga Twitter-ka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia.
Waa markii labaad oo Ra’iisul Wasaraha Somalia safar uu ku tago dalka Ethiopia tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo xilka u magacaabay dhamaadkii bishii February, ee sanadkan 2017-ka.
Caasimada Online ayaa 26-kii June, shaacisay in qorshaha Kheyre uusan ahayn kaliya shirka Midowga Africa, balse ay jiraan arrimo kale oo gaar ah.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay in socdaalka Kheyre uu sidoo kale salka ku hayo cadaadis siyaasadeed oo soo wajahay, islamarkaana uu asaga dalbaday inuu la kulmo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, inkasta shirka Midowga Afrika magaciisa uu ku baxayo.
Kheyre, ayaa waxaa kusoo wajahan mowjado siyaasadeed, ayada oo la filayo in mooshin xil ka qaadis laga gudbiyo marka uu furmo kalfadhigga baarlamanka.
Waxaa jira tuhunno ku saabsan in mooshinkan ay ku lug leedahay Ethiopia, taasi oo Kheyre uu doonayo inay ka caawiso in la damiyo.
Mooshinka ayaa waxaa sidoo kale ku lug leh siyaasiyiin ay ka mid yihiin Shariif Xasan Sheikh Aadan, oo xildhibaano badan ku leh baarlamanka, iyo Cumar Cabdirashiid, oo wakil ka ah dowladda Imaaraadka.
Imaaraadka, ayaa sidoo kale la tuhmayaa inay qeyb ka yihiin mooshinkan, waxaana maalmihii dambe Muqdisho laga dareemayey xildhibaano ku xiran Imaaraadka oo mooshinka gadaal ka riixaya.
Haddii Ethiopia ay ka caawiso Kheyre daminta mooshinka, waxaa taas ay ka dhignaan doonto, inuu si rasmi ah u noqon doono siyaasi ku xiran kana amar qaata Addis-Ababa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

