Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka ka dhaxeeya odayaasha beelaha Hawiye iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa noqday mid aan wanaagsaneyn kadib markii xubno ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha ay ka shaqeeyeen in uu xumaado xiriirka Kheyre uu la leeyahay waxgaradka beelaha Hawiye.
Waxgaradka odayaasha Hawiye qaarkood ayaa sheegay in ka hor inta uusan ra’iisul wasaaraha u ambabixin Addis Ababa xafiiskiisa laga celiyay, ayna kala kulmeen ixtiraam darro.
Odayaashaasi ayaa waxay la kulanka ra’iisul wasaare Kheyre u mareen Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow oo heyb wadaag yihiin Xasan Cali Kheyre, ahna ninka iminka ugu dhow ra’iisul wasaaraha ee saameynta xooggan ku leh.
Cid kasta oo dooneysa in ay la kulanto ayaa qasab ah in ay maraan xildhibaan Mustaf Dhuxuloow, ciddii uu doonana la kulansiiyo, ciddii uu doonana ka hor istaaga.
Odayaal ka tirsan beelaha Hawiye oo nala soo xiriiray ayaa ku eedeeyay xildhibaan Mustaf Dhuxuloow inuu kala geeyay waxgaradka iyo odayaasha beelaha Hawiye iyo ra’iisul wasaare Kheyre oo xafiiskiisa albaabada laga xirtay.
Mustaf Dhuxuloow ayaa ka dhex muuqda xafiiska ra’iisul wasaaraha, oo awood muuqata ku dhex leh go’aanada jadwalka kulamada shaqsiyaadka uu qaabilaayo iyo dhinaca siyaasadda.
Sidoo kale, Mustaf Dhuxuloow ayaa hor istaagay waxgarad iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beelaha Hawiye oo doonayay inay ra’iisul wasaaraha kala hadlaan arrimo ku saabsan maqaamka gobolka Banaadir.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

