27.7 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

Sawirro: Maamulka Beerta Nabadda oo si kulul ugu horyimid amarkii Taabit dadkana ku wargeliyay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Beerta Nabada ayaa ka hadlay amarkii maamulka gobolka Banaadir uu xalay ku dhawaaqay, kaasi oo ahaa in wixii maanta ka bilowda in lacag la’aan ay tahay gelitaanka Beerta Nabadda oo ku taalla degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Maamulaha Beerta Nabadda Maxamed Cabdi Jaamac oo akhrinayay war saxaafadeed ay soo saareen ayaa sheegay marka hore in ay ka xun yihiin wada shaqeyn la’aanta iyo tixgelin la’aanta maamulka gobolka, wuxuuna sheegay warqada ka soo baxday maamulka gobolka Banaadir in la soo gaarsiiyay xilli dambe oo xalay ah.

Waxa uu sheegay amarka uu maamulka gobolka Banaadir kuu ku joojiyay lacagtii lagu galayay Beerta Nabadda in aysan aheyn mid waafaqsan heshiiskii u dhaxeeyay labada dhinac.

Maxamed Cabdi ayaa sheegay maamulka Beerta Nabadda in ay racfaan ka qaateen amarkii ka soo baxday maamulka gobolka Banaadir in ay ka qaateen, iyaga oo la kaashanaya Maxkamadaha iyo Hay’adaha arrintan ay quseyso.

Sidoo kale wuxuu sheegay bulshada Soomaaliyeed in ay ku wargelinayaan gelitaanka Beerta Nabadda in sideedii hore ay tahay oo lagu geli doono lacagtii hore, oo aanay jirin lacag la’aan, isaga oo sidoo kale Madaxda dalka ugu sareysa ugu baaqay in la ilaaliyo xuquuqda Ganacsatada maalgashatay Beerta Nabadda.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay mudadii ay shaqadan bilaabeen 2014-kii in ay sameynayeen shaqo abuur oo dalkan uu u baahan yahay shaqo abuur, ee uusan rabin dalka shaqo jirtay in la burburiyo.

Beerta Nabadda ayaa ah meel aad u qurxoon oo ay maalgashadeen Ganacsato Soomaaliyeed, waxaana isugu yimaada shacabka reer Muqdisho oo Dhalinyaro u badan, si ay ugu sheekeystaan ayna ugu galaan sawirro.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News