Dubai (Caasimada Online) – Iyada oo ay muuqato in ay sii kordhayso xasaradda siyaasadeed ee ka dhexeysa qaar ka mid ah wadamada Khaliijka, ayaan waxaan wareeysanay Jabril Ibrahim Cabdulle si uu inooga waramo xiririka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo wadamada khaliijka.
Jabriil Ibrahim Cabdulle oo ka mid ah siyaasiyiinta da’da yar horayna cilmibaaris ugu sameeyey arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda Soomaaliya, inta badan falanqeeya arrimaha xiriirka caalimiga ah, ayaa sheegay inay muhiim tahay in Soomaaliya ay adkeyso xiriirka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya Sacuudiga Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.
Jabriil ayaa sheegay in xiriirka ka dhaxeeya dowladaha Khaliijka iyo Soomaaliya uu yahay mid qoto dheer oo qarniyaal soo jiray, gaar ahaan xirirka kala dhaxeeya Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya, sidaas darteedna ay muhiim tahay in Soomaaliya tixgaliso xiriirka wadamadaas. Iyadda oo la ilaalinayo xiririka Soomaaliya la leedahaya dhamaan wadamada Khaliijka ayaa hadana ay lama huraan tahay in aan la lumin xiriirka soo jireenka ah ee nalaga dhaxeeyo wadamada qaar.
“Labadada umadood waxaa ka dhaxeeyay xiririir, kaas oo intiisa badan ku salaysnaa ganacsi, iskaashi dhaqaale iyo dhaqankaba, taasoo xirrirka Sacuudiga iyo Imaaraadka ka dhigayso mid muhimad gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Jabriil.
Jabriil oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Dowladdahada Imaaraadka, Sacuudi Careebiya iyo Doowldada Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya xiriir sokeeye, Sadaxda wadana waxa ay ka mid yihiin wadamadii dhudubka u taagay ururka iskaashiga islaamka, ee loo yaqaano OIC, sanadkii 1969. Ka dib bur-burkii ku yimid dowladda dhexe ee Soomaaliya, dowlada Imaaraadka waxa ay ahayd dowladdii ugu horeeysay ee ogolaatay in passport-ka Soomaaliga dal ku-gal la siiyo, ogolaatana in ganacsadata Soomaaliyeed fadhi ku yeeshaan dalka Imaaraadka iyo Sacuudiga. Labatankii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya boqolkiiba 82.5, waxa ay dhoofiso oo u badnaa xoolaha iyo dalaga beeraha ka soo baxo, waxaa loo dhoofin jiray wadamada Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya oo ay Yamen soo raacdo”
Mar aan waydiinay doorka wadanka imaaraadka ee dib u dhiska Soomaaliya, Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa sheegay in wadanka Imaaraadka Carabta uu ka mid yahay wadamada kooban ee kaalmada joogta ah la garab taagnaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan xiligii burburka iyo abaaruhu saameeyeen Soomaaliya, islamarkaana ay kaalin ka qaateen aqoonsiga iyo geedi socodkii dib loogu yagleelayay qaranimadii Soomaaliyeed. Aqoonsi iyo tixgalin gaar ah ayaa ay siisay dhamaan dowladihii ku meel gaar ahaa ee dalka soo maray.
Jabril waxa yiri “waa lama huraan in aanan la lumin xirirka ka dhaxeeya labada umadood, islamarkaana go’aanada la qaadanayo ay noqdaan qaar ka tarjumaya danaha labada shacab,”
Aabahii Imaaraadka, Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan, Allaha u naxariisto, waxaa uu aaminsanaa in labada umadood ee Soomaaliya iyo Imaaraadku ay isaga dhaw yihiin umaddaha kale. Waxa uu Soomaaliya ka sameeystay Beer uu yimaado xilliga xagaaga. Sidoo kale waxa uu kala dardaarmay caruurtiisa in la adkeeyo xiriirka labada dal. Sida aad ka arkeysid sawirkan, safaradiisa uu Soomaaliya ku yimid waxa ay ula mid ahayeen isaga oo dalkiisa gudihiisa booqanaya.
Mar aan wax ka waydiinay xiriirka ganacsi ee u dahaxeeya labada wadan , Jabril waxa uu yiri “Dhanka kale marka aad ka fiirisid, Diyaaradihii ugu horeeyay ee ka dhoofo Soomaaliya, kadib bur-burkii ka dhacay dalka waxaa ogolaashihii ugu horeeyay siiyay dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Careebiya. Inkastoo wadamadaasi dhaqaale ka helayeen ganacsiga Soomaaliyeed, hadana waxaa ay albaadada u fureen in Soomaalidu ka mid noqoto ganacsiga casriga ah. Waxaa hadda ku nool wadamadaas ganacsina ka sameeya kumanaan kun oo Soomaali. Intooda badana waxa ay ku leeyiihin sharci iyo ganacsi gaar ah kaas oo laf dhabar u ah ganacsiga ka jira dalka gudahiisa”,
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Dubai
[email protected]

