29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Dhageyso: Puntland oo qaadacday qorshe ay DF waday kuna dhawaaqday in…

Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Maamal goboleedka Puntland ayaa genefka ku dhufatay xeerka isgaarsiinta Soomaaliya, iyadoo sheegtay in Puntland aysan aqbaleyn xeerkaan ilaa laga ogolaanaayo doorka ay maamul ahaan ku yeelanayaan.

Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta,hiddaha iyo dhaqanka Dowladda Puntland ayaa cabasho ka muujisay xeerka isgaarsiinta dalka oo dhowaan la horgeeyey golaha wasiirada Somalia.

Wasiir ku xgeenka wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo dhaqanka Puntland C/risaaq Cumar ismaaciil “Sheekh-adduunyo” oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa ku eedeeyey wasaaradda Isgaarsiinta dowladda federaalka in ay dhegaha ka furaysatay cabashadooda ku aaddan xeerkaan,islamarakaana ay xagal daacisay shir lagu qaban lahaa magaalada Kismaayo  si loo turxaan bixiyo xeerka.

Dhinaca kalena Sheekh Adduunyo ayaa sheegay in Puntland aysan qayb ka ahayn xeerkan,maadama aan wax wada-tashi ah laga la yeelan,sidoo kalena waxba laga qaban cabshadoodii.

Ugu dambayn Wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland ayaa ugu baaqay dowladda somalia in ay ka fiirsato xeerkaan oo uu ku tilmaamay mid aan loo dhammayn.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News