Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ka jawaabay hadal uu madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ku sheegay in dawladiisu ku daba joogto sidii ay u heli lahayd xog dhamaystiran oo ku saabsan heshiiska saldhiga Berbera ee Imaaraadka Carabta oo uu sheegay inuu bilowgiisu ka horeeyey dawladiisa.
Farmaajo oo shalay hadal ka jeediyey kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka Somaliya,wuxuu sheegay in marka uu soo helo xogtaas uu la wadaagi doono baarlamanka Somalia.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaliland Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” oo la hadlayaay Wargeyska Geeska Afrika ee a soo baxa magaalada Hargeysa ayaa sheegay in uu digniin u diray Madaxda dowladda Soomaaliya islamarkaana waxa uu sheegay in amdax kasta ee soo marta dalka Soomaaliya ay ku mashquulaan siyaasada Soomaaliland sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sidoo kale Wasiirku ka hadlay Wadada saxda ah oo ay u mareen hehsiiskii Saldhiga Meleteeri uga sameysanayaan Imaaradka Carabta waxa uuna yiri.
“Somaliland waa dal madax banaan, waa dal leh madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Somaliland waa dal leh baarlamaan Lasoo doortay, saldhiga Milateri ee Berbera nidaamkii saxda ahaa ayuu maray oo golaha guurtida iyo golaha wakiilada ayaa si wada jira u ansixiyey una mel mariyeye, qoraal baarlamaan Somalia ah iyo talo la waydiiyo cid kale oo Somalia ah waxba Somaliland kama qaadayaan ee Somaliland waa dal dhisan oo xasiloon oo nidaamkeeda dawladnimo u dhisan tahay ee madaxda Somaliya waxaan leeyahay dantiina raaca” ayuu yiri.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com