Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneral Jaamac Maxamed Qaali ayaa goordhow ku dhawaaqay inuu is-casilay xilkii uu xalay u magacaabay madaxweyne Farmaajo ee Guddoomiyaha Sanduuqa Taakuleynta ciidamada.
Is-casilaadda Jaamac Maxamed Qaali, ayaa timid wax ka yar 24 saac, markii xilkan loo magacaabay, mana cadda weli sababta, inkasta oo aan isku dayeyno inaan faahfaahin dheeraad ah ka helno.
Dowladda ayaan weli ka hadal go’aanka uu isku casilay Jeneral Jaaamac Maxamed Qaalib, oo si lama filaan ah ku yimid.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay xaflad ka dhacday dugsiga tababarka Jen. Kaahiye ugu dhawaaqay guddi qaran oo ka shaqeeya taakuleynta ciidamada.
Munaasabadaan oo ay ka qeybgaleen madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha aqalka sare, wasiirao, xildhibaano iyo taliyeyaasha ciidamada ayaa waxaa khudbad ka jeediyay madaxweyne Farmaajo oo shacabka ugu baaqay in la taageero ciidamada qalabka sida isagoo tilmaamay in ciidamada har iyo habeen u hegen u yihiin difaaca qaranimada Soomaaliya.
Guddiga taakuleynta ciidamada ee madaxweynaha magacaabay ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Jen. Jaamac Maxamed Qaalib halka ku xigeenna uu u magacaabay SHeekh Nuur Baaruud Gurxan.
Munaasabadaan ayaa ujeedadeedu aheyd qorshaha dowladda ay ku damacsan tahay in mushaar joogto ah helaan ciidamada qalabka sida.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

