28.9 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Xog: Wasiirka arimaha gudaha DF oo laga qaaday ciidmadii ilaalada u ahaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in wasiirka arimaha gudaha Dowlada Federaalka Somalia Cabdi Farax Siciid Juxa muddo labo Cisho ah uusan shaqo tagin kadib markii ciidamadii ilaalada u ahaa ay wasarada gashaandhiga Somalia kala noqotey.

Xogtan ayaa sheegaysa in wasiirka arrimaha gudaha ay saameyn ku yeelatey siyaasad dowlada Federaalka Somalia soo rogtey, taasoo amreysay in dhamaan ciidamada ka tirsan xooga dalka Somalia  ee ku maqan shaqooyinka leexsan dib ugu noqdaan taliskey ka tirsanaayeen.

Lama oga sababta Wasiirka arimaha gudaha Somalia oo madax u ah mid kamid ah hay’adaha dowlada ugu muhiimsan ay saameynta ugu yeelatey arrintaan, balse Wararka ayaa sheegaya in Mudane Cabdi Farax Juxa iyo madaxda kale ee ciidamada isku fahmi waayeen howshaan sida ay u dhacdey.

Caasimada Online ayaa fahansan in Wasiirka arrimaha gudaha ka xumaadey qaabka madaxda amniga ula dhaqmeen, isagoo dhinaca kale ka biyo diidey in la siiyo ciidamo kale balse dalbadey in loo daayo kuwa uu ku kalsoon yahay.

Xogtaan ayaa sheegeysa in Wasiir Cabdi Farax Siciid oo awal ka cabanayey gadiid la’aan ay iminka soo foodaaartey Ilaalo la’aan, sidaa darteed uu go’aansadey in gurigiisa ku sugnaado inta xal laga gaarayo arintaan.

Wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha gudaha Somalia ayaa ka gaabsadey Inuu dib u soo celiyo gaariga dowlada horey u siiyey kasoo ahaa nooca xabbadu karin.

Dowlada Federalka Somalia ayaa dhowaan qaadey talaabooyin xagga amniga ah iyadoo dhowaan wasaarada amniga qoraal ay soo saartey ka dalbatey shirkadaha gaarka loo leeyahay iney diwaan galiyaan ilaaladooda gaarka ah.

Hoos ka akhri qoraalkaan: 

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

 

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News