Hargeysa (Caasimada Online) – Shil gaari oo khasaare uu ka dhashay ayaa waxa uu maanta ka dhacay Magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland.
Shilka oo geystay khasaaro dhaawac ayaa waxa uu si gaara uga dhacay meel aan ka fogeen Hotelka Ambasaddor ee magaalada Hargeysa.
Gaariga ayaa waxaa la socday qoys musaafir ka ahaa magaalada Hargeysa kuna sii jeeday Garoonka diyaaradaha Hargeysa.
Gaariga ayaa waxaa xiliga uu shilka dhacaayay waday Haweeney, waxaana wehlinaayay Carruur yaryar oo ay dhashay.
Khasaaraha Shilka ayaa waxa uu ku ekaa Haweeneyda waday gaariga oo uu dhaawac soo gaaray.
Magaalada Hargeysa ayaa waxaa aad ugu badan shilalka Gaadiidka raaxada, inkastoo inta badan uusan ka dhalan khasaaro xoogan.


