Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isbarbar dhig ku sameeyay Xildhibaanada cusub iyo kuwii hore ee baarlamaanka Somalia.
Axmed Madoobe, ayaa sheegay inuu jiro farqi aad u weyn oo u dhexeeya labada baarlamaan, waxa uuna carab dhabay in baarlamaanka ugu foocan uu yahay kan iminka haya talada.
Xildhibaannada baarlamaanka 10aad ayuu sheegay inay yihiin kuwo wax badan ka duwan sida uu hadalka u dhigay xildhibaannadii ka horeeyay, isaga oo sheegay in mid walba oo ka mid ah kursiga ku taggay codka 51 qof oo ka tirsan Reerkiisa.
Xildhibaanada baarlamaanka cusub ayuu sheegay inay yihiin kuwo u badan aqoonyahaano isla markaana ka dharagsan xaalada uu dalka ku jiro.
Xildhibaanadii hore ayuu tilmaamay inay u badnaayen kuwo aan kusii fogeyn aqoonta iyo kartida, balse ay aqoon fiican u lahaayen mooshinka iyo Siyaasadaha hoose.
Sidaa darteed ayuu Xildhibaanada baarlamaanka cusub ugu baaqay inay ilaalsadaan sharafkooda iyo kan dalkooda, waxa uuna ku taliyay inay ka fiirsadaan haddii ay ku haminayaan mooshin iyo wixii la halmaala.
Sidoo kale, Axmed Madoobe waxa uu Xukuumada Kheyre ugu laabqaboojiyay in aysan jirin baqdin weyn oo laga qabi karo xildhibaannada baarlamaanka oo sida uu sheegay u badan rag dhalinyaro ah ka keenaan mooshin.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

