Muqdisho (Caasimada Online) – Warqaddii uu guddoomiyaha guddiga arrimaha dibedda baarlamanka xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble uu u diray madaxweyne Farmaajo, ayaa waxaa ka daba yimid war cusub oo ah in warqaddaas ay ahayd mid aan la isku raacsaneyn.
Warqaddan oo uu madaxweyne Farmaajo u diray guddoomiyaha guddiga arrimaha dibedda baarlamanka Soomaaliya xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali, ayaa lagaga horyimid go’aanka dhexdhexaadnimo ee dowladda ay ka qaadatay xiisadda dalalka Carabta, oo sida la sheegay ula muuqday mid aan wanaagsaneyn.
Waxaa warqadda lagu sheegay in go’aanka dowladda uu dhaliyey “walaac iyo walwal” ay ka qaadaan qaar ka mid ah xubnaha baarlamanka.
Xildhibaan la hadlay Caasimada Online oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in warqaddaas aan marnaba lagala tashan xubnaha guddiga, islamarkaana uusan jirin go’aan la isku raacsan yahay oo ku saabsanaa in madaxweynaha loo diro.
“Warqaddan waxaan ka arkay kaliya warbaahinta, ma jiro go’aan guddiga uu ku gaaray inaan faro-gelino go’aanka ay xukuumaddu ka qaadatay xiisadda carabta” ayuu yiri xildhibaanka la hadlay Caasimada Online.
Waxa uu dhinaca kale sheegay in sharciyan aysan sax ahayn in guddiga uu si toos ah uu warqad ugu diro madaxweynaha.
“Haddii guddiga uu doonayo inuu madaxweynaha la xiriira, waa inuu maraa guddoomiyaha baarlamanka, kadibna guddoomiyaha ayaa la xiriiraya madaxweynaha, sida sharciga ah waa saas”.
Dhinaca kale, illaa iyo hadda ma muuqato in xubnaha baarlamanka ay doonayaan inay xiisadda carabta ka doodaan, inkasta oo ay jiraan xubno sare oo Imaaraadka lacag ka qaatay oo arrintan gadaal ka riixaya.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

